Man United Oo Garaacday Tottenham, Rashford Oo 2 Gool Dhaliyay & Red Devils Oo Mourinho Dhabarka U Saartay Guuldaradii Ugu Horaysay

1836

Kooxda Man United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkan iyaga oo laba u kaal jaray kooxda Tottenham ee uu hogaaminayay tababareheedii hore ee Jose Mourinho.

Ole Gunnar Solskjaer oo aad moodo in loo sameeyay kulamada waaweyn ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay guul si weyn uga caawisay cadaadiskii ka saarnaa dhanka natiijooyinka.

Kooxda Man United ayayna wakhti dheer ku qaadan in ay dhaliso goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo Tottenham iyo Jose Mourinho kaga naxsaday gool wakhti hore ah.

Daqiiqadii 6-aad ayay Red Devils dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Tottenham ayaa bilowday raadinta goolka bar-baraha iyaga oo la wareegay maamulista kubada laakiin United ayaa halis ku ahayd weerarka rogaal celiska ah iyaag oo adeegsanayay Orodka badan ee xiddigaha Marcus Rashford iyo Daniel james.

Lakiin Tottenham ayaa daqiiqadii 39-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Dele Alli kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1.

Waxana sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro laakiin United samaysay horumar fiican dhanka qaab ciyaareedkan.

Qaybtii dambe ayay Red Devils mar kale ku bilaabatay sidii dar-darta lahayd ee ay ku bilaabatay qaybtii hore waxana ay mar kale qaybta dambe dhalisay gool wakhti hore ah.

Daqiiqadii 49-aad ayay Man United dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu rikoodhe u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo mar kale kooxdiisa u dhiibay hogaanka.

Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa Tottenham u ogolaatay in ay haystaan kubada iyaga oo si fiican u difaacanayay waliba qaadayay weeraro rogaal  celis ah oo ku doonayeen goolal ay ku dilaan rajada Tottenham.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay man United garaacday Tottenham xilli ay dusha u saareen Jose Mourinho guuldaradii ugu horaysay ee premier League.