Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Tababare Ole Gunnar Solskjaer Kadib Markii Uu Xor Noqday Tababare Mauricio Pochettino

1711

Kooxda Man United ayaa meesha ka saartay qorshaha ay Mauricio Pochettino ugu badalayso tababare Ole Gunnar Solskjaer iyaga garab Istaagi doona tababarohooda haatan sida ay sheegayaan wararku.

Kadib markii shaqada Man United laga caydhiyay Jose Mourinho xilli ciyaareedkii hore tababare Mauricio Pochettino ayaa lala xidhiidhinayay in uu ka badali doono shaqada.

Laakiin tababaraha reer Argentine ayaa sii jooogay kooxda Tottenham iyada oo ay kooxda Man United tababare u magacawday Solskjaer kaas oo qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah.

Si kasta ha ahaatee qaab ciyaareedka xun ee kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan Man United ayaa lala xidhiidhinayay tababarayaal badan xilli United u dagaalamayso in ay xilli ciyaareedka dambe u soo baxdo champions League.

Tababare Solskjaer ayaa haatan sii wajahaya cadaadis cusub oo badan kadib markii Mauricio Pochettino laga caydhiyay shaqada tababaranimo ee kooxda Tottenham.

Wargayska The Ahletic ayaa haatan sheegaya in ayna Man United doonayn in ay shaqada ka caydhiso tabaabre Solskjaer waliba garab istaagto tababareheeda reer Norway.