Man United Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ka Gaartay Southampton +SAWIRRO

2269

Manchester United ayaa guul cajiib ah ka gaadhay kooxda Southampton oo marti ugu ahayd gegida Old Trafford, Kulankan oo ahaa mid cajiib ah ayay labada dhinac ku kala adkaadeen 3-2 iyaga oo shan gool kala dhaliyay.

Xidiga kulankan ayaa ahaa Romelu Lukaku ayaa ahaa Xiddiga garoonka isaga oo laba gool oo cajiib ah laba jeer hoggaanka ugu kala dhiibay Red Devils.

Shaxaha Kulankan Ee Labada Kooxood

Manchester United: De Gea, Lindelof, Smalling, Young, Shaw, Pogba, Perreira, McTominay, Sanchez, Lukaku, Rashford

Keydka: Grant, Bailly, Rojo, Dalot, Fred, Gomes, Chong.

Falanqaynta Kulanka:

Romelu Lukaku ayaa fursad dahabi ah helay daqiiqadii 3-aad kadib markii ay si keddis ah ugu timid kubad ku dhacday daafacyada Southampton balse darbadii uu geeska hoose ee goolka ku aadiyay ayuu badbaadiyay goolhaye Gunn.

Markale Lukaku ayaa qarka u fuulay inuu bandhiga goolasha ee kulankan furo iyadoo markale uu kubad si lama filaan ah ugu helay goolka hortiisa balse waxa markale badbaadiyay goolhayaha Saints.

Vastergaard ayaa helay fursadii ugu horreysay ee halis ah ee ay samaysay Southampton balse kubad uu madaxa ku hidheeyay ayaa wax yar halka sarre ka martay goolka David De Gea.

GOOAL: Southampton ayaa furtay goolasha kulanka, Yan Valery oo baas ka helay Charlie Austin ayaa meel xerada ganaaxa ka baxsan shuud gantaal ah kasoo laagay isaga oo dhex dhigay shabaqa De Gea.

Intaa kaddib kulanka ayaa noqday mid xoogan, Xiddigaha Man United ayaa soo qaaday weeraro joogto ah iyaga oo xooga saarayay sidii ay goolka iskaga soo gudi lahaayeen.

Romelu Lukaku ayaa madaxeeyay kubad uga timid dhinaca Perreira laakiin weeraryahanka ree Belgium ayaa hareer mariyay goolka.

Markale Chris Smalling ayaa gees ka laad uu soo tuuray Young isku dayay inuu gool madax ah bar-bardhaca ugu keeno kooxdiisa laakiin daafaca ree England ayaa isna khasaariyay.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammaatay 0-1 ay hoggaanka ku hayso kooxda Southampton ee martida ahayd.

GOOAL: Qaybta dambe ee kulanka ayay Manchester United lasoo laabatay dar dar xoogan waxaana goolka bar-bardhaca u keenay Andreas Pereira oo meel ka baxsan xerada ganaaxa kubad wareegaysa oo uu soo turay ka dhaliyay.

GOOAL: Manchester United ayaa maraliya natiijada kulanka dhinaca kale u rogtay waxaana goolka labaad oo uu caawiye ka ahaa isla Pereira geeska hoose ee goolka ka dhaliyay Romelu Lukaku.

Intaa kaddib kulanka ayaa noqday mid aad u xiiso badan, Southampton ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah halka halista United ay ahayd mid joogto ah.

GOOAL: Saints ayaa markooda awooday inay goolka bar-bardhaca soo ceshadaan waxaana laad xor ah oo cajiib ah goolka uu masuulka ka ahaa De Gea dhex dhigay James Ward-Prowse.

Kulanka ayaa noqday mid xamaasad weyn leh, Mn United ayaa inta ugu badan kubadda haysatay iyadoo halista Saints aysan marnaba meesha ka maqnayn.

GOOAL: Waa Habeenkiisii!!, Romelu Lukaku ayaa markale hoggaanka usoo celiyay Red Devils daqiiqadii 89-aad, Weeraryahanka ree Belgium ayaa dhammaystiray baas uu soo dhiibay Fred oo bedel ku yimid isaga oo meel ka baxsan xerada ganaaxa ka laagay darbad midig ah oo xoogan.

KHASAARE: Paul Pogba ayaa dhammaadkii kulanka gool kulaad ka khasaariyay Manchester United kaddib qalad lagu galay Rashford waxaana rigooraha lugaha ku badbaadiyay goolhaye Gunn.