Man United Oo Hogaanka U Qabatay Premeir League+SAWIRRO

1560

Manchester United ayaa la wareegtay hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay 1-0 ku suuldaareen kooxda Burnley oo marti loogu ahaa Turf Moor iyadoo Red Devils ay fariin u dirtay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Liverpool oo ay Axada ku balansan yihiin Anfield.

Shayaadiinta Cas Cas ayaa seddex dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hogaanka horyaalka Premier League iyagoo ka sarre maray kooxda Liverpool oo ay kulamo isku mid ah ciyaareen. Waxayna labada kooxood iska horimaan doonaan Axada kulan la wada sugayo oo ka dhacaya Anfield.

Gool macaan uu dhaliyay Paul Pogba bartamihii qeybta labaad ayay Man United ku xaqiijisatay hogaanka horyaalka Ingariiska, iyadoo Pogba uu ka dhabeeyay halheyskiisa POGBOOM madaama uu dhaliyay gool qatar ahaa islamarkaana u dabaaldegay si aan caadi aheyn isaga iyo Bailly.

Xamaasada ciyaarta ayaa aheyd mid aad u kacsan qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR uu noqday hadal heynta ugu badan ka dib markii ay gaareen seddex go’aan oo muran badan dhaliyay.

Luke Shaw ayaa nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin qeybtii hore ka dib qalad xun uu ku galay Gudmundsson halka Robbie Brady uu isna ka badbaaday casaan markii uu qalad ku galay Cavani oo goolka u furan.

Afar daqiiqadood oo ay VAR eegeysay labada dhacdo oo isku xirnaa ka dib, garsoore Kevin Friend ayaa go’aansaday inuu calaamada hurdiga siiyo Shaw halka uu ka laabtay caalamad hurdi ah uu u taagay Brady.

Intii aysan dhamaanin qeybta hore ee ciyaarta, VAR ayaa sidoo kale diiday gool uu madax ku dhaliyay kabtan Harry Maguire madaama uu qalad ku galay Pieters markii uu u kacayay kubada madaxa aheyd.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad Man United ayaa si xoogan u la wareegtay kubad heysashada iyo koontaroolka ciyaarta, iyagoo weeraro isdaba joog ah ku qaadayay goolka Burnley laakiin kooxda martida loo ahaa ayaa dhabar adeyg muujiyay iyagoo kubada si fiican u difaacday gaar ahaan goolhayahooda.

Ugu danbeyn darbigii Burnley waxaa la jabiyay daqiiqadii 70aad iyadoo gool macaan oo aad u qurux badan uu Paul Pogba hogaanka ugu dhiibay Manchester United.

Rashford ayaa garabka midig kubad qatar ah uga qaaday Paul Pogba oo weerar isagu soo bilaabay, kubadii loo soo qaaday ayuu sideeda kula qabtay isagoo ka hoos bixiyay goolhayaha Burnley. Waxay aheyd gool aad u qurxoon oo indho qabad leh.

Daqiiqadihii ugu danbeeyay ayay Man United dib u gurasho sameysay iyadoo Burnley ay dhowr jeer sigtay goolka Man United iyagoo raadinaya goolka barbaraha, waxaa xitaa Man United soo martay cabsi xoogan daqiiqadii 88aad markii kubad uu difaacanayay Maguire ay kaga dhacday xusulka laakiin VAR ayaa furatay oo tilmaamtay inaysan rigoore aheyn.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-0 oo ay Man United ku garaacday Burnley iyagoo seddex dhibcood ku qabtay hogaanka horyaalka Premier League.