Man United Oo Iska Xaadirisay Sem-final-ka Europa League+SAWIRRO

1824

Kooxda Man United ayaa iska xaadirisay wareega Semi-final-ka tartanka Europa League kadib guul dirqi ah oo ay ka gaadhay kooxda Copenhagen

Kulanka ayaa ahaa mid aad uga duwan kana adag sidii ay taageerayaasha Man United iyo xiddiguhuba filayeen kooxda Copenhagen Ayaan Man United kala hor timid iska caabin xoogan.

Man United ayaa ahayd kooxda maamulaysa kubada laakiin kooxda Copenhagen ayaa kaga fiicnayd dhanka weerarada iyaga oo United ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo halis galiyay Goolhayaha Red Devils.

Kooxda Copenhagen ayaa dhawr jeer ku dhawaatay in ay gool ka dhaliso Man United laakiin waxa ka maqnayd dhamaystirka kubada iyo in ay shabaqa dhex-dhigaan kubada.

Man United ayaa dhankeeda qaybtii hore shabaqa soo taabtay iyaga oo uu Mason Greenwood u dhaliyay gool laakiin Garsooraha ayaa goolkaas diiday sabab la xidhiidha Offsie uu ku jiray da’yarku.

Kooxda reer Denmark ee Copenhagen ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed daafac oo cajiib ah iyaga oo United ka hor istaagay goolal ay ka dhaliyaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ayna Man United soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay in ay soo bandhigto.

Qaybtii dambe ayaaa ahayd mid ay United kaba xun tahay qaybtii hore iyaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Dhanka kale Copenhagen ayaa sii waday weerarada rogaal celiska ah ee ay ku qaadaysay kooxda Man United kuwaas oo dhankooda fursado badan sameeyay.

Man United ayaa xitaa biraha u garaacday kooxda Copenhagen qaybtii hore sidoo kale dhalisay gool uu dhaliyay Marucs Rashford laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray.

Kooxda Copenhagen ayaa heshay fursado cajiib ah oo ay goolal kaga dhalin kareen kooxda Man United laakiin iska khasaariyay.

Waxa sidaas ku dhamaatay wakhtigii dabiiciga ahaa ee 90-ka daqiiqo waxana lagu daray wakhti dheeraad ah oo 30 daqiiqo ah si loogu kala boxo kulanka.

Kooxda Man United ayaa sii xoojisay weerarka ay ku doonayso in ay goolal ku dhaliso ka hor inta uuna xaalku ku xumaan.

Daqiiqadii 93-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United guul dirqi ah ku gaadhay Semi-final-ka Tartanka Europa League xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Kooxda Inter Milan ayaa markii ugu horaysay muddo 10 sano ah iska xaadirisay Semi-final-ka tartan Weyn oo yurub ah kadib markii ay 2/1 ku garaaceen kooxda Bayer Leverkusen.