Man United Oo ka adkaatay Man City +SAWIRRO

2139

Man United ayaa nasiinada ugu dirtay City hal gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 29-aad ee horyaalka Ingiriiska xilli la joogay qalcadda Old Trafford .

City ayaa biloowgii kubadda haysatay xilli daqiiqaddii 9-aad Raheem ku sigtay gool balse waxaa si cajiib ah u bad baadiyay De Gea .

Inkastoo City afka hore u soo dhaqaaqayeen hadana bilaa micno ayay ahaayeen maxaa yeelay daafaca United aad ayuu u habeysanaa halka ay weysanaayeen xal ay kubadda u daba marsiiyaan daafaca United .

Biloowgii United kubadaha rogaal celiska ah ayay ku tiirsanaayeen waliba mararka qaar halis ayay ahaayeen xilli daqiiqaddii 27-aad Martial laga bad baadiyay kubad uu ku laaday shabaqa City.

City waxaa lagu dilayay raacasho , waxaana muuqaneysay in qeybta labaad ay soo giliyaan ciyaartooy kubadda dadajiyo sida Mehrez si kubadda u gaarto gudaha fog ee Man United.

Ka dib dhacdooyinkaas ,United aad ayay aagga City u soo gaarayeen illaa ay gool ku keeneen daqiiqaddii 29-aad waxaana dhaliyay Martial ka dib kubad Free Kick aheyd oo si cajiib ah uu u soo qajaafeeyay Bruno Fernandes .

Guud ahaan, United marka la eego halis gilinta muuqata iyo sida ay ciyaarta u dadajinayeen iyaga ayaa ahaa dhankii wacnaa qeybtaas hore .

Soo laabashadii VAR wax ay gool ka diiday City waxaana lahaa Aguero waxa ay aheyd daqiiqaddii 47-aad , waxaase jirtay isla biloowgaas fursad United ugu dhawaaden gool ka dib qalad uu sameeyay goolhayaha City waxaana sidaas sameeyay Martial waxa ayna aheyd daqiiqadii 48-aad

Biloowgaas , United cadaadis ayay saarayeen City kuwaas oo ka sheeganayay gaabis ah in kubadda si sax ah horay ugu jiidaan , waxa ayna United ku guuleysteen in City aaggooda u soo dhawaadaan waxa ayna u nuglaayeen in ay dhaliyaan gool labaad .

Daqiiqadii 55-aad City gool xaqiiq waxaa u diiday goolhaye De Gea kaasi oo si cajiib ah u bad baadiyay oo koorno u saaray kubad xoogganeyd ee u Foden ku laaday shabaqa United waxa uuna Pep daqiiqadii soo giliyay Jesus iyo Mehraz oo loo saaray Aguero iyo Bernando Silva .

Ka dib badaladaas , City xoogaa horay ayay u soo dhaqaaqayeen waliba gaarayeen aagga goosha United balse ma sameyn halis gilin muuqata xilli Rodri oo qeybta hore horay u soo dhaqaaqeyn si daafca u caawiyo uu bilaabay in uu soo dhaqaaqo

Daqiiqadii 69-aad , United gool ayaa waxaa si dirqi ah uga bad baadiyay goolhayaha City ka dib kubad uu si xooggan ugu soo laaday Daniel James kaasi oo kubad rogaal celis ah la soo baxsaday

City waa ku dhawaaneysay gool waxaana daqiiqaddii 74-aad ku sigteen gool balse waxaa Jesus si cajiib ah uga bad baadiyay De Gea , balse guud ahaan dadaalka City waxaa hor taagnaa daafaca United xilli daqiiqadii 77-aad City sameeyeen badalkooda sedexaad iyaga oo giliyay Benjamin Mendy oo loo saaray Zinchenko.

United badalkooda ugu horeeyay waxa ay ku soo giliyeen Eric Bailly iyo Scott McTominay oo daqiiqaddii 78-aad loo saaray Brandon Williams iyo Anthony Martial , waxa ayna United ka dib ku tiirsnaayeen rogaal celiska ah halka daafacoodana is hor taagayay kubadaha ay dhisayeen City .

Ka dib dhacdooyinkaas ma jirrin wax gooni ah oo laga qoro ciyaarta waxaana United dhamaadkii badaleen Bruno Fernandes iyaga oo soo giliyay Odion Ighalo , xilli daqiqiaidi 95-aad ee watiga dheeriga United ay heleen gool labaad waxaana u dhaliyay Scott McTominay waa guushii labaad ee xilli ciyaareedkaan ee horyaalka ee ay Man City ka gaareen.