Kooxda Man United ayaa Juventus ka helaysa lacag dhan 850 kun Oo Gini sabab la xidhiidha la soo wareegistii Cristiano Ronaldo ee sanadkii hore.
Waxa sidaas qoray wargayska The Sun oo sheegaya in ay kooxda Man United helayso lacag ku dhaw hal milyan oo euro.
Lacagtaas aya ah mid lagu heshiiyay in la bixiyo markii uu Cristiano Ronaldo ku soo biiray Man United 2003.
Kooxda United ayaa xiddiga reer Portugal isaga oo da,yar ah kaal soo saxiixatay Sporting Lisbon ka hor inta uuna 6 sano ka hor kaga biirin kooxda Real Madrid.
Xeerka FIFA ayaa ah in lacagta lagu heshiiyo la siiyo kooxaha la soo wareega xiddiga ka yar 23 sano sidaas darteed United ayaa xaq u leh lacagtaas.
United ayaa Ronaldo keentay Old Trafford iaga oo jira 18 sano jir sidaas darteed Juventus ayaa ku qasban in ay bixiso lacagtaas oo ay labada kooxood ku heshiiyeen in ay noqoto 850 kun oo Gini.