Man United Oo Loo Sheegay In Ay Iska Ilowdo Saxiixa Matthijs de Ligt

1717

Halyeeyga reer Holland ee Ruud Gullit ayaa kooxda Man United u sheegay in ay iska iloobaan saxiixa xiddiga daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo u sheegay in ayna la soo saxiixan doonin sabab la xidhiidha in ayna champions league ka ciyaari doonin xilli ciyaareedka dambe.

19 jirka reer Ajax ayaa xiiso ka helaya kooxo badan oo reer yurub ah kadib xilli ciyaareed cajiib ah oo uu soo qaatay xilli ciyaareedkii hore.

Xiddiga ayaa markii hore u muuqday mid ku biiraya kooxda Barcelona marka loo eego in uu xiddiga ay isku dalka yihiin ee Frenkie de Jong iyo waliba xiriirka fiican ee ka dhexeeya kooxda Barcelona iyo Ajax.

Man United ayaa dhankeeda si xoogan loola xiriirinayay saxiixa daafaca dhexe bilowgii xagaagan kadib markii uu istaagay heshiiskii uu ugu biiryay kooxda Barcelona.

Laakin Kooxda ku ciyaarta Old Trafford ayaa loo sheegay in ayna heli dooni saxiixa De Ligt maadama ayna ka ciyaari doonin champions League xilli ciyaareedka dambe.

“Uma Malaynayo in uu Man United ku biiri doono, sababta oo ah kama ciyaarayaan champions League”ayuu Gullit u sheegay Omnisport.

“Waxan u malaynayaa in uu doonayo in uu ka ciyaaro champions League sidaad darteed waa u nasiib xumo Man United”.