Man United Oo Xasuuqday Chelsea +SAWIRRO

1794

Chelsea iyo United ayaa ciyaarta ku biloowday qaab wacan waxa uuna kulankaan ahaa kulankoodii ugu horeeyay ee wareegga koowaad ee horyaalka Ingiriiska.

Chelsea ayaa biloowgii si wacan kubadda u maamushay xilli ay saareen United cadaadis aan kala joogsi laheyn waxa ayna mudnaayeen goolal .

Heerka kubad haysashada Chelaea ee 15-kii daqiiqo ee ugu horeeyay ayaa gaartay %74 waxaana jirtay laba fursad oo cajiib ah oo soo martay balse aysan u turjumin goolal .

Xilli Chelsea sameyneynayeen baasas qurxoon ayna ka muuqatay kalsooni ayay United ka faa`ideystay kubad rogaal celis aheyd waxaana ku yimid rigoore ka dib qalad uu Zuma uu ku galay Rashford waxaana rigooradaas gool u turjumay Rashford.

Waxa ay aheyd halkii fursad ee ay ugu soo dhawaadeen goosha Chelsea waa ayna ka faa`ideysteen , waxa ayna ka dib United ciyaarta u noqotay mid sahlan waa ayna la qeybsanayeen kubadda xilli ay baxsad ahaayeen

Chelsea oo dagaal ugu jirtay in ay weerar tagaan si gool u keenaan ayaa dhanka kale waxa ay dayacayeen shaqaddii daafac oo United waa ay tagayeen goosha xilli saxiixa cusub United Wan Bissaka uu baasas qurxoon ku dilayay Chelsea .

Chelsea sidaas ioo ay tahay fursado goolal ah ayay cunayeen xilli sodoo kale goolhaye De Gea ahaa mid bad baadinayay kubadaha waxa ayna dhamaadkii labada koox ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh

Daqiiqaddii 33-aad United gool ayaa looga diiday Offside ahaan waxaana sidoo kale la arkayay Pogba oo xittaa soo weerar tagayay waxa ayna Chelsea dhamaadkii cuneen dhowr fursad xilli daqiiqaddii 39-aad ay birta shabaqa United u diiday gool cajiib noqon lahaa waxaana laaday Emerson

Qeybta labaad , biloowgii United ayaa kubadda ku xooganeyd waliba cadaadis saareysay balse Chelsea daafac ahaan waa ay foojignaayeen .

Sidaas oo oo ay tahay Chelsea mararka qaar kubadda waa ay la qeybsaneysay United dhankoodana cadaadis waa ay sameynayeen balse kubadooda waxaa hor taagnaa De Gea , waxa ayna badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqaddii 58-aad iyaga oo soo giliyay Christian Pulisic oo loo badalay Barkley .

Ka dib dhacdooyinkaasn United , waxaa ka go`neyd si fog u tagaan qeybta dambe ee Cheslea waa ayna sameeyeen xilli ay cadaadiskaas ku keeneen gool labaad waxaana saxiixay Martial daqiiqadii 65-aad

Ka dib jahwareer ayaa ku dhacay Chelsea xilli dabaal degga ay weli ku jireen taageerayaasha United ayay hadana heleen gool sedexaad waxaana daqiiqaddii 67-aad saxiixay Rashford .

Inkastoo xaalka sidaas ahaa , Chelsea isku dayo ayay sameynayeen waxaase kubad waliba oo ay goosha gaarsiiyaan waxaa hor tagnaa De Gea xilli tababare Frank Lampard uu sameeyay laba badal daqiiqadihii 72 iyo 73- aad waxa uuna soo giliyay Olivier Giroud oo loo badalay Abraham iyo N’Golo Kante oo loo badalay Jorginho.

Chelsea waxa ay kulankaan soo bandhigeen kubado haysaho , baasas wacan laadad goosha ah balse shabaqa ma aysan tagin waxa ayna United sameeyeen badal daqiiqaddii 74-aad iyaga oo soo giliyay saxiixooda cusub ee Daniel James oo loo badalay Pereira

Dhamaadkii ma jirrin wax ciyaarta laga qoro oo UInited ayaa gool raadis aheyd waa ayna keeneen mid afaraad waxaana daqiiqadii 81-aad saxiixay Daniel James. waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay afar gool oo nadiif ah oo ay guusha ku raacday United .