Manchester City oo 3-1 uga badisay Leeds+SAWIRRO

200

Manchester City ayaa ku soo laabatay kaalinta labaad ee Premier League ka dib markii ay 3-1 ku xasuuqeen kooxda Leeds United oo marti loo ahaa.

Goolasha waxaa u furay Manchester City dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta Rodri kaasoo shabaqa ku taabtay kubad uu goolhayaha ka badbaadiyay Riyad Mahrez.

Daqiiqadii 51aad ayay Manchester City sii dheereysatay hogaankeeda markii Jack Grealish uu kubad deeqsinimo ah u dhigay Haaland oo si fudud shabaqa ugu riixay.

Daqiiqadii 64aad ayuu Erling Haaland helay goolkiisii labaad iyo goolkii seddexaad ee Manchester City. Jack Grealish ayaa kubad u celiyay Haaland oo ku guuleystay inuu dabamariyo goolhaye Meslier.

RIKOODH: Erling Haaland ayaa noqday xiddigii ugu dhakhsiyaha badnaa ee 20 gool ka dhaliya Premier League isagoo ay ku qaadatay kaliya 14 kulan, rikoodhkii hore wuxuu ahaa 20 gool oo lagu dhaliyay 21 kulan.

Erling Haaland ayaa 45 gool dhaliyay 42 kulan uu saftay sannadkan 2022. Manchester City wuxuu u dhaliyay 26 gool tartamada oo dhan 20 kulan u u saftay.

26ka gool ee uu Erling Haaland ka hoos dhaliyay tababare Pep Guadiola ayaa ka dhigeysa xiddigii ugu dhaqsiyaha badnaa ee gaara goolashaas.

Haaland waxay ku qaadatay kaliya 20 kulan, Messi waxay ku qaaday 28 kulan, Samuel Eto’o 30 kulan, Sergio Aguero 35 kulan iyo Thierry Henry 41 kulan.

Leeds United ayaa gool soo ceshatay daqiiqadii 73aad ka dib koorno uu soo qaaday Greenwood uu madaxa ku dhaliyay Struijk.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Manchester City kaga takhalustay Leeds United iyagoo ku soo laabtay kaalinta labaad islamarkaana shan dhibcood ka danbeeya Arsenal.