Manchester City Oo Xasuuq Ba’an U Gaysatay Rotherham +SAWIRRO

2032

Kooxda kubadda.cagta Manchester City ayaa si arxan darro ah xasuuq ugu gaysatay kooxda tabarta yar ee Rotherham United.

Kooxda tababare Pep Guardiola ayaana 7–0 kaga tallaabsatay kooxda ka ciyaarta Championship, kulan katirsanaa wareegga seddexaad ee FA Cup.

City oo daqiiqaddii 12-aad goolasha bilaawday ayaa waxaa hogaanka u dhiibay xidigeeda R.Sterling, kahor inta uusan 2-0 ciyaarta kadhigin Phil Phoden daqiiqaddii 43-aad, halka goolka seddexaad ay City ka heshay gool uu daqiiqaddii 45-aad kooxdiisa kadhaliyay S.Ajayi.

Marka la isku soo laabtana waxaa si isku xigta 78-shabaqa u gaaray daqiiqadihii 52-aad , 73-aad, 78-aad, iyo 85-aad, xidigaha G.Jesus, Mahrez, Otemendi iyo Sane.

Kulanka ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaaday 7-0 oo ay ku adkaatay kooxda ku ciyaarta Etihad ee Man City, taas oo iska xaadiridsay wareegga afaraad.