Maraykanka iyo Ingiriiska oo dhalashadii kala noqday labo Gabdho oo ku biirey ururka IS

1823

Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ka xayuubiyay xuquuqdii dhalasho labo gabdhood oo ku biirey ururka IS balse haatan doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalalkoodii.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Hoda Muthana oo ka tagtay gobolka Alabama kuna biirtay ururka IS ee ka dagaalamayay dalka Siiriya laga xayuubiyay dhalashadii Maraykanka ayna iman karin dalka Maraykanka.

Hoda Muthana oo wadata wiil yar oo 18 bilood jira ayaa dooneysa inay dib ugu soo laabato Maraykanka kadib markii ururka IS loogaga awood roonaaday dalka Siiriya.

Muthana ayaa waalidkeed waxa ay ka soo jeedaan dalka Yemen oo aabaheed ayaa ahaa diblumaasi dowlada Yemen u joogay dalka Maraykanka. Gabadhan oo dhalatay 1994tii ayaa waxa ay ku guursatay intii ay joogtay dalka Siiriya labo ka mid ah dagaalamayaasha IS ama Daacish oo labaduba lagu diley dagaalada ka dhacay dalka Siiriya.

Sidoo kale Shamima Begum, oo ah gabar u dhalatay dalka Britain ayaa laga xayuubiyay dhalashadii dalkaas kadib markii ay sheegtay inay dooneyso inay ku soo laabto dalka Britain oo ay hore uga tagtay kuna biirtay ururka IS ama daacish.

Shamima Begum ayaa waalidkeed ay ka soo jeedaan dalka Bangaladesh ayaa sidoo kale loo diiday in ay timaado dalkaas waxaana uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada dalka Bangaladesh inay tahay muwaadin British ah.

Gabadhan oo wadata wiil yar oo aabihiis lagu diley dagaalka Siiriya kana mid ahaa ururka Daacish ayaa sheegtay inay dooneyso inay dib ula midowdo waalidkeed oo ku nool dalka Britain, waxaana socda haatan dadaalo uu ku doonayo qareenka qoyska Shamima Begum sidii ay u heli lahayd xuquuqdeeda muwaadinimso.

Labadan gabdhood ayaa waxaa ay ka wada siman yihiin iyagoo doonaya in ay u helaan nolol labada carruur ee yaryar ee ay ku dhaleen dalka Siiriya waxayna haatan ku jiraan xeryo qaxooti oo ku dhex yaal dalka Siiriya.

Boqolaal dhalinyaro ah oo ku noolaa wadamada Yurub,Maraykanka iyo Canada kuwaasoo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa ku biirey ururka IS oo xarumo ku lahaa dalka Siiriya, hase yeeshee dagaalo xoogan oo lagu qaaday ururkaas ayaa sababay in laga saaro magaalooyinkii ay saldhigyada ku lahaayeen waxaana haatan socda weeraradii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in lagu baabi’iyo ururka Daacish.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN

HALKAN KA AQRTI SHEEKADAN