Maraykanka oo isu diyaarinayo dagaal uu lagalo Iran

117

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa xulafadiisa G7 ku wargeliyay in Washington ay rumaysan tahay in weerarka Iran ay doonayso inay ku qaaddo Israa’iil uu bilaaban karo 24–48 saacadood gudahood.

Sida ay baahisay warbaahinta Axios waxay sheegeysaa warbixinta in dhigiisa dalalkaas uu arrinta kala hadlay ayadoo uu Maraykanku wado dadaallo lagu qaboojinayo xiisadda, loogana hortagayo dagaal buuxa.

Blinken wuxuu u sheegay saraakiishaas uu telefoonka kul hadlay in Iran oo cadaadis lagu saaro inay xuduud u yeesho gulufkeeda ay tahay waddada ugu fiican ee looga baaqsan karo dagaal gobolka ka dhaca.

Wuxuu intaa ku daray in Ameerikaanka uusan ogeyn xilliga rasmiga ah ee weerarka ay Iran qorshaysay uu dhacayo, laakinse uu rumaysan yahay in dhakhsiyo uu u billaaban doono.

Aqalka cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu kulan la yeelan doono kooxda amniga qaranka, isagoo kala hadli doona xaaladaha ka soo cisboonaaday bariga dhexe. Wuxuu kaloo la hadli doonaa boqor cabdallaha Urdun sida uu aqalka cad sheegay.

Maraykanku wuxuu kaloo bariga dhexe u diri doonaa cudud ciidan kuwaasi oo difaac noqon doona “si hoos loogu dhigo xiisadda” sida uu aqalka cad sheegay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga Antonio Tajani wuxuu sheegay Axaddii in wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamadaas todobada ah ay ugu baaqeen dhinacyada qaybta ka ah xiisadda ka taagan bariga dhexeinay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara in xiisaddu sii kororto.

Xafiiska xogyahayaha difaaca ee Marykanka Lloyd Austin ayaa hadal laga soo saaray lagu sheegay inuu la hadlay dhigiisa Israa’iil Yoav Gallant fiidnimadii Axaddii.

Wada-hadalkan ayaa salka ku hayay “xaqa ay Israa’iil u leedahay inay iska difaacdo” khatar kasta oo kaga timaada Iran iyo xulafadeeda, iyo talaabooyinka uu maraykanku qaadayo ee uun ku xoojinayo difaaca Israa’iil iyo ciidankeeda ee Gobolka, sida hadalkaas lagu xusay.

Qayb ahaan dadaalka lagu yareynayo dagaal gobolka oo dhan ku baaha, ayaa madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo boqor cabdallaha Urdun waxay ku baaqeen in laga fogaado xiisad milateri oo sii weynaata oo wax kasta oo ay ku kacayso.

Israel Yahom ayaa iyadana soo tebisay in Maraykanku uu ansixiyey shixnad bambooyinka culus ah, kuwaasoo la hakiyey ka hor intii uusan dagaalku qarxin 7 Oktoobar.

Iran waxay sheegtay in aysan doonayn in xiisadda ay ku baahdo bariga dhexe, laakiinse waxay rumaysan tahay in ay ciqaabto Israa’iil, si looga fogaado deganaasho la’aan gobolka soo foodsaarta.

Hadalkan oo ah qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Nasir Kanaani ayaa yimid, iyadoo laga cabsi qabo in xaaladdu ay ka sii darto.