
Milatariga Mareykanka ayaa Talaadadii xaqiijiyey inuu ciidamadiisa kala baxay saldhigga Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii uu xumaaday dhabaha ay diyaaraduhu ku degaan.
Jeneraal John Brennan, oo ah taliye ku-xigeenka AFRICOM, taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika, ayaa sheegay in inta badan shaqaalihii milatariga ee saldhigga ka hawlgalayey ay u wareegeen Muqdisho. Wuxuu sheegay in dib u hagaajinta dusha dhabaha garoonka ay ku kici lahayd tobannaan milyan oo dollar.
“Dhabaha diyaaraduhu ku ordain ee garoonka ayaa sii xumaanaysay ilaa ay khatar noqotay in diyaarado halkaas lagu dejiyo,” ayuu Brennan ku yiri shir jaraa’id oo uu khadka internetka kula hadlay wariyeyaasha. Wuxuu ka bixitaanka Ballidoogle ku tilmaamay “go’aan boqolkiiba boqol ku salaysan arrimo dhaqaale”.
Brennan ayaa sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Warkan ayaa markii ugu horreeyay soo baxay 28-kii Oktoobar. Toddobaadkii hore, taliska AFRICOM ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo warkaas, isagoo sabab uga dhigay amniga hawlgallada, sida ay ku warrantay Somalia Today.




















