Maraykanka oo kabilaabaty ugaarsiga dadka Asian descent+SAWIRRO

1453

Toogashadaasi ayaa waxay shalay galab ee Xilliga Mareykanka ka dhacday deegaano hoos-taga Caasimadda Gobalka Georgia ee Atlanta.

8 qof oo 6 ka mid ahaayeen Haween asalkooda ka soo jeedo Qaaradda Eeshiya (Asian descent) ayaa lagu dilay 3 Toogasho oo ka dhacday duleedka Atlanta.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa lagu sheegay in Toogashada Koowaad lagu dilay ka mid ahaayeen 2 haween oo asalkoda Eeshiyaan yahay iyo Haweeney iyo Nin kale oo caddaan ah.

Toogasho kale, Saraakiisha Boliska Atlanta waxay ka fal-celiyeen Qeylo-dhaan ku aadanayd Dhac Hubeysan oo dhacay ka hor 6-dii galabnimo ee shalay, waxayna Boliska halkaasi ku arkeen maydka 3 haween oo la wada toogtay.

Boliska waxay goob kale ka heleen maydka haweeney 4-aad oo asal ahaan Eeshiyaan ahayd.

Dhinaca kale, Nin lagu tuhunsan yahay inuu geystay Toogashadaasi ayey Boliska saacado kadib ku qabteen deegaan 240-KM dhanka Koonfurta ka toosan magaalladda Atlanta ee Gobalka Georgia.

Eedeysanaha waxaa magaciisa lagu sheegay Robert Aron Long oo 21-jir ah, kaasi oo aan wax iska caabin ah kala hor-imaanin Boliskii ku qabtay Waddada Highway-ga.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Boliska Atlanta ayaa lag sheegay in Eedeysanaha lala xiriirinayo dhamaan Toogashadaasi, kadib, markii la helay caddaymo Muuqaal ah goobihii ay dilalku ka dhaceen.