Maraykanka oo qaswadeyaal ku tilmaamay Dani iyo Axmed Madoobe

1658

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa War kasoo saartay Shirka Dhuusamareeb 3, iyadoo qas-wadayaal ku tilmaantay madaxda Puntland & Jubbaland ee ka maqan shirkaas.

“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ka shaqeysay in loo dhammaado oo miiska Dhuusamareeb 3 la keeno dhammaan fikradaha, laakiin waxba ka qaba karno kuwa shirka ka maqan” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka oo la soo dhigay barta Twitterka.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in Qas-wadayaasha ay diidan yihiin ka qeybgalka shirka iyagoo damacooda gaarka ah dartiisna u waxyeelaya dimoqraadiyadda; waxayna dhinacyada Soomaalida ugu baaqay inay hore ugu socdaan hab Doorasho oo waqtigeeda ku dhacda.

Hadalka Mareykanka qaaday ayaa ah kii ugu horeeyay ee farta ku fiiqeya Qas-wadayaasha Soomaalida oo hadda lagu calaameeyay Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, inkastoo aan la magacaabin.