Mareykanka 2,600 oo qof oo u dhintay Coronavirus muddo 24-saac

1694

Mareykanka ayaa weli ku jira xaaladii ugu xumeyd ee soo wajhda taariikhda, kaddib markii uu si weyn u saameeyay Cudurka Coronavirus, iyadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay ay u dhinteen cudurkaas 2,600 oo qof.

Tirada ayaa mar kale ka dhigeysa in Mareykanka weli yahay dalka ugu badan ee ay u dhinteen Coronavirus, iyada uu gaaray in ka badan 28 kun oo qof.

Sidoo kale cudurkaas waxaa la il daran in ka badan lix boqol oo kun, waxaana taas ay sii kordhineysa dhimashada badan, waxaana laga yaabaa maalmaha soo socda inay aad u kororto.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisa uu heerkii ugu sareeyay gaaray faafitaanka cudurka Coronavirus.

Guud ahaan tirada dadka uu soo ritay xanuunka Covid-19 ayaa waxay kor u dhaaftay laba Milyan oo qof sida laga soo xigtay tirakoobka Jaamacadda Hopkins.