Mareykanka: Lama aqbali karo duqeymaha lagu hayo Laascaanood

202

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay inaan la aqbali karin duqeymaha aan kala joogsiga laheyn ee lagu garaacayo shacabka Magaalada Laascaanood oo dagaalo ay ka socdaan maalintii 5aad

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika u qaabilsan Waaxda arrimaha dibeda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

“Duqaymaha aan loo meel dayin ee lagu hayo dadka rayidka ah ee Laascaanood waa wax aan la aqbali karin waana in la joojiyo”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay inay waajib tahay inaan la carqaladeyn Gargaar Bini aadannimo oo la gaarsiiyo dadka uu saameeyay dagaalka, wuxuuna ku baaqay in wixii khilaaf ah wadahadal lagu dhameeyo.

Hadalka kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli Maalintii shanaad oo xiriir ah uu Magaalada Laascaanood ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka oo diidan Maamulka Muuse Biixi.

Ugu yaraan 50 qof oo ay ku jiraan caruur haween iyo dad kale oo shacab ah ayaa laagu dilay dagaalka shanta maalmood ka socda Laascanood, waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 150 kale, welina ma jiraan calaamado muujinaya in dagaalku joogsanayo ama lagu kala adkaanayo.