Mareykanka oo 40,000 oo qof maraya dadka u dhintay Coronavirus

1759

Dhimashada cudurka Coronavirus ee dalka Mareykanka ayaa kor u kacday, iyadoo gaartay illaa 40,000 oo qof, sida ay soo warisay Jaamacadda Johns Hopkins.

Tirada ugu badan ama kala bar dadkaas ayaa waxay ku dhinteen Gobolka New York, iyadoo dadka la dhigay isbitaalada ay u dhimanayaan cudurkan.

Mareykanka ayaa la sheegayaa in laga yaabaa in todobaadyada soo socda inuu sii kordho dhimashada, maadaama cudurkan uu soo ritay ku dhowaad lix boqol oo kun.

Isbitaalada qaar oo ay dadka buux dhaafiyeen ayaa waxay hubanti ka dhigi karaan in dhimashadu sii badato.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu badan ee u dhintay cudurkan, waxaana uu ka sara maray dalalka Talyaaniga iyo Spain oo markii hore hoggaanka u hayay dhimashada Coronavirus.