Dowladaha Mareykanka iyo Rwanda, ayaa lagu soo warramayaa in ay dhawaan ku heshiiyeen in dadka laga tarxiilayo Mareykanka la geeyo magaalooyin kuyaalla dalka Rwanda, si ay dalkaasi nolol cusub uga bilaabaan .
Warbaahinta Mareykanka qaarkood, ayaa ku warramaya in Mareykanka kula heshiiyay dalka Rwanda in uu qaabilo illaa 250 muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilaya Mareykanka, Rwanda ayaana la sheegay in ay aqbashay qorshahan Mareykanka uu wato.
Heshiiskan oo ay markii ugu horeysay sheegtay Reuters, ayaa waxaa bishii June ee sannadkan magaalada Kigali ku kala saxiixday saraakiil Mareykan iyo Rwandan ah, sarkaal u dhashay Rwanda oo magaciisa qariyay, ayaa sheegay in Mareykanku uu horay u diray liiska 10-ka qof ee ugu horeeyay.
Dowladda Mareykanka ,ayaana si rasmi ah uga hadlin heshiiskan muhaajiriinta lagu geenayo dalka Rwanda ee dhax maray Mareykanka iyo Rwanda, waxaana horey u diiday dalal dhowr ah in loo keeno muhaajiriinta sida qasabka ah looga soo tarxiilayo dalka Mareykanka.