Mareykanka oo doonaya qof “dhiigyacab” ah oo laaya jiirka

253

Jiirka magaalada New York ayaa looga digay in maalmo yar ay u harsan yihiin.

Xafiiska duqa New York Eric Adams wuxuu raadinayaa agaasimaha ‘xakamaynta jiirka’, kaasoo qaar badan ay ugu yeereen ‘Marshal rat’. Jiirku waa ‘cadowga dhabta ah’ ee New York, sida uu sheegay duqa magaalada.

Xayeysiiska shaqada, oo la daabacay toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in ‘tartamaha ku habboon uu noqon doono mid aad u dhiirran oo xoogaa dhiigya-cab ah.’

Mushaharka qof kasta oo loo doorto shaqadan wuxuu noqon karaa ilaa 170,000 oo doollar sannadkii.

Mas’uuliyadaha musharraxa waxaa ka mid noqon doona horumarinta xeeladaha xakamaynta jiirka, maarraynta mashaariicda iyo qorshayaasha siyaasadda ee wakaaladaha kala duwan ee magaalada, iyo hoggaaminta horumarinta farsamooyinka xakamaynta jiirka.

“Jiirarka waxaa laga yaabaa inaysan jecleyn xayeysiiskan, laakiin 8.8 milyan oo muwaadiniin ah iyo dowladda magaaladaada ayaa diyaar u ah inay kula shaqeeyaan si loo yareeyo tirada jiirka, hagaajinta fayadhowrka iyo ka hortagga faafitaanka cudurrada,” ayaa lagu yiri xayeysiiska.
Tani waa horumarkii ugu dambeeyay ee ‘dagaalka jiirka’ ee bilaabmay Oktoobar.

Hadda ka hor, olole lagu xakameynayo jiirka magaalada ayaa waxaa ka soo baxay natiijooyin kala duwan.

Tallaabooyinka kale waxaa ka mid ah in khashinka la dhigo waddooyinka iyo luuqyada, in la dejiyo saacado cusub oo khashinka lagu saaro, iyo samaynta xeerar loogu talagalay bacaha khashin-qubka ee xooggan oo aan doolligu kala goyn karin.

Dhacdooyinka lagu arko jiirka ayaa kordhay sanadihii u dambeeyay, cabashooyinka loo jeediyay xarunta adeegga macaamiisha ee magaalada ayaa kordhay 67 boqolkiiba marka loo eego 2019.