Mareykanka oo Maraakiib & dayuurado dagaal u diray Israa’iil

228

Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa sheegay in maraakiib badan oo uu ugu muhiimsan yahay markab ay leeyihiin ciidamada badda ee Maraykanka lagu jiheeyay bariga Mediterranean-ka. Hawlgalintan waxa kale oo ka mid ah maraakiibta qaada gantaalaha la hagayo iyo kuwa wax burburiya.

Austin waxa uu sheegay in falkani “uu muujinayo taageerada birta ah ee Maraykanku u fidinayo ciidamada difaaca Israa’iil iyo dadka Israa’iil”

Milateriga Mareykanka ayaa daabulaya maraakiibta badda iyo diyaaradaha dagaalka si “ay u xoojiyaan dadaallada looga hortagayo xasaradaha gobolka” iyadoo ay socdaan dagaallada ka socda Israa’iil, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Pentagon-ka.

Intaa waxaa dheer, ciidamada Cirka ee Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa la kordhinayaa. “Maraykanku waxa uu sii xoojinayaa joogitaankiisa awoodeed ee calamka si uu uga hortago xasaradaha haddii loo baahdo,” ayuu Austin ku daray.

Mareykanka ayaana u diray xeebaha dhulka la heesto ee Falastiin markabka diyaaradaha xambaaraha ee The Aircraft carrier USS Gerald R. Ford, markabka gantaallada ee TUSS Normandy iyo tiro kale oo kamid ah maraakiibta wax burburiya ee Mareykanka leeyahay.

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ku caawinayaan ciidamada Yahuuda ayaa waxaa ku jira diyaaradahaU.S. Air Force F-35, F-15, F-16 iyo A-10, kuwaa oo gacan siinaya ciidamada argagaxsan ee Israel.