Mareykanka oo Sheekh Cali Dheere ku daray liiska argagixisada caalamka

977

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa laba hoggaamiye oo sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku dartay liiska argagixisada caalamka, laga billaabo August 6, 2021.

Labada hoggaamiye ayaa kala ah Sheekh Cali Maxamed Raage oo loo yaqaan Cali Dheere iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaan Ikrima, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xoghayaha Arrimaha dibedda Mareykanka Antony Blinken.

“Cali Maxamed Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, waa afhayeenka iyo hoggaamniye sare oo ka tirsan Al-Shabaab. Wuxuu Mukhtaar Roobow ka beddelay xilka afhayeenka bishii May 2009. Cali Dheere wuxuu ku lug lahaa qorsheynta weerar lala beegsaday goobo ka tirsan Kenya iyo Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka Blinken.

“Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir oo loo yaqaan Ikrima, waa fududeeyaha iyo qorsheeyaha howlgallada. Cabdulqaadir waa hoggaamiye sare iyo madaxa howlgallada iyo saadka. Wuxuu sidoo kala hagay weeraro ay horey u qorsheeyeen Al-Shabaab.”

Blinken ayaa sheegay in laga billaabo maanta ay qasab tahay in la xanibo dhammaan hantida iyo danaha shaqsiyaadkan, laguna soo wargeliyo Xafiiska Xakamaynta Hantida Dibadda (OFAC) ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka.

Waxaa taas sii dheer, in qof kasta oo la macaamila shaqsiyaadkan isna lagu dari doono liiska argagixisada caalamiga, sida uu sheegay Blinken.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay in hay’ad kasta oo maaliyadeed oo shisheeye oo shaqsiyaadkan u fududeysa gudbinta lacago ama siisa adeeg lacageed ay waihi doonto cunaqabateynta Mareykanka.

Blinken ayaa sheegay in Mareykanka ay go’an tahay carqaladeynta hababka maaliyadda Kooxda Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada, si loo xadido awoodda ay u leeyihiin fulinta weeraro ka dhan ah shacabka.