Markab dagaal oo ran leedahay oo loo bur buriyay

1435

Mid kamid ah maraakiibta dagaalka dowlada Iran ayaa si aan ku tala gal aheyn waxa uu gantaal ugu dhuftay Markab kale oo kuwa dagaalka ah , waxa ayna arintan dhacday xili dhoolo tus milatari ka qeyb qaadanayeen maraakiibtan.

Wakaalada wararka ee Iran ee Fars ayaa sheegtay in shilkan lagu bur buriyay markabka dagaal uu dhacay axadii xili dhoolo tus milatari ciidamada badda Iran ka sameenayeen gacan biyoodka Hormuz.

Markabka dagaal ee lagu magacaabo Jamaran ayaa la sheegay xili uu tijaabinayay gantaal nooca Maraakiibta lagu burburiyo ah uu si aan ula kac ahayn ugu dhuftay Markabka kale ee laheyd dowlada Iran.

Inta la xaqiijiyay 19-kamid ah ciidamada badda Iran ayaa ku dhintay markabkan gantaalka lagu dhuftay halka ay ku dhaawacmeen 15-kale, waxaana dhaawacyada ciidamada qaar la sheegay in ay yihiin kuwa culus.

Warbaahinta caalamka ayaa qoraya in markabka Jamaran uu kahor maray xiligii loogu tala galay in la rido gantaalka maraakiibta bur buriya, waxaana gantaalka uu haleelay markabka Konarak oo kasoo socday goobta bartilmaameedku ahaa.