Markab hub sida oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho +SAWIRRO

57

Ilo wareedyo ku sugan Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa Wardoon.net u xaqiijiyey in xalay Dowladda Soomaaliya ay la soo degtay Markab sida Hub aad u badan oo nooc walba isugu jira.

Hubka waxaa keenay Markab nooca dagaalka ah oo ka yimid dalka Masar, waxaana lagu daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, kaas oo dowladda Soomaaliya ay leedahay.

Hubkaan ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in dowladda Masar ay siisay Soomaaliya, halka wararka qaar ay sheegayaan in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkaan.

 

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal kooban soo saaray ayaa ka hadlay imaatinka Masar oo si toos ah usoo caga dhigtay gudaha Soomaaliya, xilli ay taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso dowladda federaalka & Itoobiya oo ka dhalatay heshiiska badda.

Wasiir Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay tahay dal xor ah, isla markaana cid kale aysan u daba fariisan doonin arrimaheeda gaarka ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka ay doonto ay la macaaleyso, ayna kasoo gudubtay marxaladdii wax loo meerin jiray sida uu hadalka u dhigay.

 

Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay iyadu leedahay go’aanka xulashada dalka ay la macaalimeyso, Masarna ay iyadu dooratay, sidaaasna ay ku timid Soomaaliya.

Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno. Gobanimo!” ayuu mar kale yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay dekedda Muqdisho uu soo gaaray markab siday hub culus oo ka yimid Masar, kaas oo baabuur waawayn looga soo daabulay, waxaana la geeyay wasaaradda gaashaandhigga iyo meelaha kale ee lagu kaydiyo hubka dowladda.