Puntland ayaa sheegtay in markab kale oo wata calanka dalka Comoros uu haatan ku sugan yahay meel qiyaastii 15 mayl u jirta xeebta degmada Bareedo ee gobolka Raascayr, oo ah isla halkii lagu qabtay markabkii hore.
Xildhibaan Cumar Qariib, oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Bareeda, ayaa warbaahinta u sheegay in markabkan cusub uu leeyahay calaamado la mid ah markabkii horey loo qabtay, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin waxa saaran.
Xildhibaanku wuxuu intaa ku daray in saacadaha soo socda halkaas loo diri doono cutubyo ka tirsan ciidamada ammaanka Puntland, si ay u kormeeraan markabka, una baaran ujeeddada joogitaankiisa, iyo waxa uu sido.
Xogta markabkan cusub ayaa imaanaysa iyadoo Puntland ay weli waddo baaritaanka markabka Sea World, kaas oo dhowaan lagu qabtay xeebaha gobolka Raascasyr, islamarkaana sida hub kala duwan, gaadiid dagaal, iyo agab kale oo millatari.
Ilaa hadda lama helin cid sheegatay lahaanshaha markabkaas.
Puntland waxay sheegtay in markabkani uu ku sugnaa meel dhowaanahan ay ka dhaceen dagaallo lagula jirey Daacish (ISIS), taasoo sida uu sheegay maamulku sii kordhisay walaaca ku saabsan ujeeddada dhabta ah ee markabka.
Sida laga soo xigtay maamulka Puntland, baaritaan rasmi ah ayaa socda weli si loo ogaado cidda iska leh markabka, sababta uu halkaas u yimid, iyo waxa uu sido. Puntland waxay ballan qaaday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata hubka uu sido markabkan.