Markab sida Shidaal Oo Bil Ku Xayiran Dekeda Barbera Iyo Sobobta +Video

1443

Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan muddo ku xanibtay markab nooca shidaalka ah oo ay leedahay shirkad lagu magacaabo Som Petroleum, kaasi oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dekedda Berbera.

Somaliland ayaa markabkaasi xanibaad kusoo rogtay xili uu kusoo xidhay dekedaasi, iyada oo aan si cad usoo bandhigin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xanibaad lagu soo rogay.

Ilo xogagaal ah oo ku dhow Ganacsatada uu ka xaniban-yahay markabkaasi ayaa inoo xaqiijiyey in sababta loo haysto ay tahay mid qabyaaladeeda, halka ay ku sheegen in Maraakiib kale oo rag ay isku beel yihiin Madaxweyne Muuse Biixi loo ogolaaday inay shidaalkoodii ka rogtan, halka markabkoodu uu weli xayiran yahay.

Talaabadan lagu xanibay markabkaasi shidaalka ah ayaa la rumeysan yahay inuu horseedi karo hurinta colaado dheeraad ah oo khal-khal gelin karta deganaanta Somaliland, xili dhawaan ay Jabhad cusub ka abuurmatay bariga gobolka Sanaag, midaasi oo kasoo horjeeday talaabo ay xukuumadu kaga laabatay heshiis ay hore u gaashay, kaasi oo ay dib ugula soo laabaneysay huteelka Hargeysa Club.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan xanibaada markabkaasi, xili aan wax xayiraada lagu soo rogin shidaalka soo galaya deegaanada Somaliland, isla markaana aysan buuxsamin haamihii keydka shidaalka ee dekeddu.