Markabkii shidaalka soosaari lahaa oo iamanaya Somliya

23

Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Tamarta Dalka Turkey Markabkii soo saari lahaa shidaalka Somalia ayaa soo gaaray xeebaha Somalia xili lagu wado inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabo qodsta iyo soo saarista shidaalka iyo macdanta dhex ceegaagta bariga iyo badda Somalia.

Wasiirka u hadlay Dowlada Turkey wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan Soomaaliya ka mid noqon doonto dalalka dunida ee ka faa’iideystay kheyraadka dhulkooda dhex-yaal,wuxuu carabka ku adkeeyay in Somalia dhawaan ka taajiri doono dhidaalkeeda iyo macdanteeda.

Wasiirka Tamarta Turkey wuxuu sidoo kale sheegay in bariga iyo badda Somalia ay dhex ceegaagaan shidaal iyo macaadin gaarsiin katra Somalia nolol dhaqaale oo aad u sareysa lana mid ah mida ay heystaan dalalka shidaalka soo saara.

Markabka Turkida iyo shaqaalaha uu wado ee loogu talo galay soo saarista shidaalka ayaa diyaar u ahay inay maalmaha soo socda maqashiyiin dhagaha Soomaalida war aad loogu farxo oo la xiriira shidaalka iyo macaadinta Somalia ay heysato,sidoo kale labada dal ee Turkey iyo Somalia hore ayay uga heshiiyeen sida ay u qeybsanayaan dhaqaalaha ka soo xarooda ilaa iyo muda cayiman oo ku siman inta Turkida ay ka helayaan dhaqaalihii ka galay soo saarista shidaalka.