Marunbaa in ladilay Fu’aad Shangole

405

Wakaaladda wararka u faafisa dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ciidamada Itoobiya maanta weerar ku dileen Sheekh Fu’aad Maxamed Qalaf Shangole oo katirsan saraakiisha sar sare ee dagaalyahanada Al Shabaab.

Warka lagu daabacay wakaaladda wararka u faafisa Itoobiya ayaa lagu shaaciyay in ciidankooda dileen Sheekh Fu’aad Shangole iyo sidoo kale Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka ciidamada ee Al Shabaab.

Sargaal katirsan milatariga Itoobiya oo lagu magacaabo Major General Tesfaye Ayalew, ayaa u sheegay wakaaladda wararka Itoobiya in ciidankooda dileen labadan hoggaamiye ee katirsanaa Al Shabaab sidoo kale burburiyeen keyd hub ay lahaayeen Al Shabaab.

Ma jiro ilo kale oo madax banaan oo xaqiijiyay warkan kasoo baxay dowladda Itoobiya ee ku aadan in maanta dileen Fu’aad Shangole iyo Abuu Mascab, waxaana warkan imaanaya xilli Abuu Muscab maanta Warbaahinta Al Shabaab dhankiisa la hadlay guulna ka sheegtay dagaalkii dhacay.

Al Shabaab war kasoo baxay dhankooda ayaa lagu shaaciyay in dagaal maanta ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool ku dileen 103 askari oo katirsan  Liyuu Booliis iyo milatariga Itoobiya, waxa ayna soo bandhigeen sawirada qaar kamid ah askartii ay dileen.