Marxuum Maxamed Qanyare oo maanta la aasay+SAWIRRO

1912

Allaha u naxariistee waxaa goordhaw qabuuro kuyaala Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir lagu aasay Meydka Marxuum Maxamed Qanyare Afrax oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Aaska Maxamed Qanyare waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin badan oo katirsan dowlada Soomaaliya oo isugu jiray Xildhibaano katirsan labada Aqal, Wasiiro, Masuuliyiin katirsan maamulka G/Banaadir, Saraakiil ciidan, waxgarad iyo dadweyne kale oo badan.

Dhamaan dadkii ka qeyb galay aaska Marxuum Qanyare ayaa wajiyadooda laga dheehanayay sida ay uga murugsanaayeen geeridii ku timid Allaha u naxariistee Maxamed Qanyare Afrax oo ahaa siyaasi aad loo qadariyo.

Masuuliyiintii iyo dadkii kale ee ka qeyb galay aaska Maxamed Qanyare Afrax ayaa u duceeyay Marxuumka iyagoona ilaah uga baryay in dambigiisa dhaafo janada fardowsana ka waraaqabiyo.