Maryan Axmed Caato oo ay dileen ilaalada Deni

1346

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada Madaxweyne Siciid Deni dil u geesteen Haweeney shacab ah xili ay magaalada marayeen.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada ilaalada Madaxweeyne Deni ayaa rasaas ku furay gaari ay la socotay haweeneyda ay dileen oo la sheegay in uu soo dhax galay kolonyo gaadiid ah ay ciidamada la socdeen.

Haweeneyda ay dileen Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Magaceeda lagu sheegay Maryan Axmed Caato, waxaana haweeneysan haleeshay rasaas ay ciidamada ku fureen gaariga ay ka shakiyeen.

Madaxtooyada maamulka Puntland iyo laamaha amaanka magaalada Garawe ayaan ka hadlin dilka ciidamada ilaalada Madaxtooyada u geesteen haweeneydan shacabka ah oo sida qaldan ciidamada u dileen.