Mas uul sare oo reer Puntland ah oo galkacyo lagu dilay

1551

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegay in xalay kooxo hubeesan oon heebtooda la garan magaaladaasi ku dileen sargaal katirsanaa Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Madaxii Xafiiska Laanta Socdaalka ee Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey) ayaa isagoo salaadii maqrib weesaysanaya lagu dilay masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta magaalada iyo goobjoogeyaal.

Kooxdii dilka geesatay ayaa la sheegay in si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay dilka ka geesteen, ciidamada booliiska magaalada Gaalkacyo ayaa ku guul dareestay in ay gacanta kusoo dhigeen ragii dilkaasi fuliyay.

Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto saraakiil iyo xubno kale oo katirsan maamulka Puntland , waxaana inta badan baxsada raga dilalkaasi geesta.