Masaajidka ugu quruxda badan Somalia oo xariga laga jaray +SAWIRRO

2365

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Xariga Ka jaray Dhismaha Markaska Jaamaca Al ummah-

Masaajidkan oo ah mid casri ah ayaa waxaa ku lamaanan xarun lagu baranayo culuumta sharciga ah ee diinta Islaamka

Daahfurka ka dib Madaxweyne Ku-xigeenka, Golaha Wasiirada iyo Gudomiyaha Degmada Cadaado ayaa Kormeer ku sameeyay Qeybaha Kala duwan ee Marjidku Ka Kooban yahay.

Masjidkan oo ah mid aad u qurux badan oo la mid ah Masaajidada casriga ah ku yaalla dalalka dhaqaalaha leh ee dunida islaamka ayaa waxaa markiiba ku tukan kara kumanaan qof, wuxuuna ka mid noqonayaa masaajidada ugu bilicda san Somalia.