Masar oo laga xaday Koobkii Qaarada Afrika ee ku guuleesteen +SAWIRRO

1934

War kasoo baxay xiriirka kubada cagta ee Masar ee loo soo gaabiyo EFA ayaa war uu soo saaray ku sheegay in xarunta xiriirkooda ku leeyahay magaalada Qaahira laga waayay koobkii Afrika ee Masar ku guuleesateen sanadkii 2010-kii.

Koobkan laga xaday xarunta Xiriirka kubada xagta ee Masar ayaa ahaa kii sadexaad ee xulkaasi ku guuleestaan, waxaana sharci ah in la siiyo xulka ku guuleesta koobkaasi markiisa sadexaad halka wadamada kale dib usoo celiyaan koobkaasi.

Xiriirka kubada cagta ee Masar ayaa bilaabay baaritaano ku aadan sida loo waayay iyo cida qaadatay koobkan iyo koobab kale oo laga waayay xarunta, waxaana lagu baraarugay maqnaashaha koobabkan xili xarunta dib u habeyn lagu sameenayay.

“Hadii aanu nahay xiriirka kubadda cagta ee Masar waxaanu beryahan wadnay dib u habayn ku socotay xarunta guud ee xidhiidhka oo ay ka mid tahay in la bedelo albaabka laga galayo matxafka yar ee taariikhda kubadda cagta Masar. Maamulka naxdin bay ku noqotay in alaabtaasi ka maqan tahay matxafkaa yar, EFA lama filaan ayay ku noqotay markii aanu ogaanay in koobkii Qaramada Afrika la waayey waxaanan haatan go’aansannay in aanu baaritaan bilowno” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xiriirka EFA.

Warbaahinta dalka Masar ayaana aad u hadal heysa warkan la xariira in la waayay koobkii Qaarada Afrika ee Masar ku guuleesatay, waxaana la isweediinayaa sida fudud ee koobkaasi loo qaatay iyo waliba cida ka dambeesay.