Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa Isniintii u sheegay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, in dowladaha Carabta ay taageersan yihiin mowqifka Falastiiniyiinta ee diidmada qorshaha Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo lagu doonayo in lagu barakiciyo Falastiiniyiinta Gaza, laguna maamulo marinkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa sheegtay in Abdelatty, kulankii uu Washington kula yeeshay Rubio, uu adkeeyay muhiimadda in si degdeg ah loo dardar-geliyo dib-u-dhiska Gaza iyadoo Falastiiniyiintu wali ku sugan yihiin dhulkooda.
Abdelatty, oo Axaddii gaaray Washington, ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu la shaqeeyo maamulka cusub ee Maraykanka si loo gaaro “nabadda iyo xasilloonida dhammaystiran ee caddaaladda ku dhisan” ee gobolka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Maraykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, isagoo mar kale ku celiyay mowqifka Masar ee taageerada Falastiiniyiinta.
Soo-jeedin kasta oo ku saabsan in Falastiiniyiinta ay ka tagaan Gaza—oo ay u arkaan qeyb ka mid ah dowlad madax-bannaan oo ay doonayaan—ayaa muddo dheer waxaa diidanaa hoggaanka Falastiiniyiinta, waxaana sidoo kale si cad u diiday dowladaha Carabta tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday 2023.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay mideysnaato si ay u taageeraan Falastiiniyiinta, loogana shaqeeyo sidii loo saxilahaa “caddaalad-darro taariikhi ah” looguna soo celin lahaa “xuquuqdooda sharciyeed ee aan laga laaban karin.”
Qorshaha Trump ayaa cambaareyn ballaaran kala kulmay caalamka, iyadoo hoggaamiyeyaasha adduunka ay ka digayaan in tallaabadaasi ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka.
Trump ayaa Isniintii, waraysi uu siiyay Fox News, ku sheegay in Falastiiniyiintu aysan heli doonin xaqa ay ugu laaban karaan marinka Gaza marka la fuliyo qorshihiisa, taasi oo si cad uga hor imaneysa hadallo hore oo ka soo yeeray saraakiil ka tirsan xukuumaddiisa kuwaasoo sheegay in Falastiiniyiinta Gaza loo guurinayo kaliya si ku meel gaar ah.
Trump ayaa ku sheegay inuu aaminsan yahay inuu heshiis la gaari karo dalalka Urdun iyo Masar si ay u aqbalaan Falastiiniyiinta la barakiciyay, isagoo xusay in Maraykanku siiyo labadaas dal “balaayiin dollar sanadkii.”
Markii la weydiiyay haddii Falastiiniyiintu heli doonaan xaqa ay ugu laaban karaan Gaza, Trump ayaa ku jawaabay: “Maya, ma heli doonaan, sababtoo ah waxaan u dhiseynaa guryo ka wanaagsan.”
“Waxaan ka hadlayaa dhisidda meel rasmi ah oo ay degaan,” ayuu sii raaciyay, isagoo xusay in ay qaadan doonto sanado badan si Gaza ay mar kale u noqoto meel la deegi karo.