Masar oo muwaadiniinteeda ugu baaqday inay kabaxaan Somaliland

36

Masar ayaa soo saartay wargalin degdeg ah oo ku aaddan dhammaan muwaadiniinta Masar ee ku sugan Somaliland inay si degdeg ah uga baxaan halkaas iyadoo ku sababaysay xaaladda ammaan ee ka sii daraysa.

War-saxaafadeed lagu daabacay wakaaladaha wararka ee Masar, ayaa muwaadiniinta loogu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan uga dhoofaan madaarka Hargeysa.

Dhammaan muwaadiniinta Masar waxaan ka codsanaynaa in aanay u safrin Somaliland, iyadoo la eegayo saamaynta amni-darrada ku leedahay ammaankooda,” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay safaaradda Masar ee Soomaaliya.

Warkan ayaa ku soo beegmay iyadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka taagan Geeska Afrika, ka dib heshiis muran badan dhaliyay oo ay bishii January ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Bishii Agoosto, Masar iyo Soomaaliya waxay sii xoojiyeen xiriirkooda ciidan iyagoo saxiixay nidaamka iskaashiga difaaca. Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa xaqiijiyay in Masar ay taageereyso madax banaanida Soomaaliya. “Soomaaliya waa xubin madaxbanaan oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, waxaana ku garab taagannahay sidii aan u sugi lahayn amnigooda,” ayuu ku dhawaaqay madaxweynaha Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u dhaliilay faragelinta Itoobiya ee Somaliland, isagoo ku eedeeyay Addis Ababa inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida Soomaaliya.