Masar oo soosaartay go’aan ka dhan ah Itoobiya

65

Guddiga sare ee biyaha wabiga Niilka ee Masar ayaa kulan ay la qaateen golaha wasiirrada, waxaa lagu go’aamiyay Masar inay xaq u leedahay inay difaacdo amnigeeda biyaha ayna qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah.

Sidoo kale Masar waxay warqad u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taasoo lagu sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay qaado dhammaan tallaabooyinka uu dammaanad qaadayo Axdiga Qaramada Midoobay si ay u difaacdo jiritaankeeda iyo danaha dadkeeda.

Arrintan ayaa loo fasirtay in Masar ay doonayso inay weerarto halka uu ka socdo mashruuca biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niilka, iyadoo sidoo kale talaabadan ay muujineyso xiisadda Masar iyo Itoobiya iney sare u sii kaceyso.

Waxaa jira xaalad kale oo halis ku ah Masar , waa in Itoobiya ay soo degto badda cas oo aag militari oo ay maamulli karto ka hesho, taasoo hadda ay ku dhowdahay Addis Ababa, muddo loo arkayay wax aan macqul ahayn hadda Itoobiya waxay taagan tahay albaabkii ay ku geli lahayd badda cas.

Si la yaab leh Jabuuti ayaa shalay shaacisay inay Itoobiya ku wareejin doonto deked afka u saaran marinka Baabul Mandab, waxaana xaqiiqo noqoneysa Itoobiya hadii ay gaarto badda cas iney awood u yeelaneyso khal khal gelinta marinka Suweys oo Masar dhaqaale badan ay ka hesho.