Masjid ku yaalla Guriceel oo laweeraray

1443

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen dad shacab ah oo ku cibaadeysanayey masjid ku yaalla magaalada Guriceel, kadib Salaaddii Cishaha.

Weerarka oo ay fuliyeey koox aan la garan oo ku hubeysnaa qoryaha AK47 ayaa rasaas huwiyey dadka ku sugnaa masjida weyn ee lagu magacaabo Beder.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in weerarkaasi uusan geysan wax khasaare nafeed ah, balse wuxuu saameeyey darbiga masjidka oo ay waxyeeleysay rasaasta.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey falkaasi ay goobta isaga baxsadeen dhacdada kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goor dambe goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee Guriceel ayaa sheegay in dadka gacanta lagu soo dhigay ay ku socdaan baaritaano, islamarkaana ay dib ka shaacin doonaan natiijada.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi, balse masaajidka la weeraray ayaa ka mid ahaa kuwii ku xirmay dagaalladii horey gobollada dhexe ee dalka ugu dhex-maray dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab iyo Ururka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.