Masuul hore Caawa lagu dilay Magalada Muqdisho

1549

Kooxo hubeysan ayaa Goordhow waxaa ay qeybo ka mid ah degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir ku dileen Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Cali Hilowle (Cali dheere).

Rag bustoolado ku hubeysnaa ayaa la xaqiijiyey inay ku dileen agagaarka Isgoyska degmada Boondheere,isla markaana dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay,kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyey,wallow ilaa iyo hadda asyan jirin cid ay u qabteen dilkaas,waxana xusid mudan in meel u dhow halka uu dilka ka dhacay habeen ka hor lagu dilay Nin ka tirsanaa Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada degmada Boondheere waxa uu ahaa xilligii degmadaas uu guddoomiyaha ka ahaa Cabdullaahi Xirsi Wardheere (istakiin),isla markaana gobolka Banaadir uu maamulayay Maxamed Axmed nuur Tarsan.