Masuuliyiin ka tirsan Gedo oo Muqdisho lagu xiray

1731

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helo ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lagu xiray guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (Alqaadi) iyo guddoomiyaha degmada Baardheere ee Jubbaland Ismaaciil Qorrax.

Masuuliyiintan ayaa waxay ka mid yihiin xubnaha si gaarka ah u taageersan Maamulka Jubbaland, isla markaana ka howlgala Gobolka Gedo.
Sidoo kale xogta ayaa sheegaysa in labadan mas’uul la keenay Muqdisho kadib markii taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ay dowladda u dirtay, kaasoo ku qanciyey inay u soo raacaan Muqdisho, kadib markii sida la sheegay uu balan qaadyo aan jirin u sameeyey.

Labadan masuul ayaa Markii ay kasoo degeen garoonka Aadan-Cadde ayaa waxaa la sheegay in ay wareegeen ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaasoo xabsiga u taxaabay, iyadoo wararka kalena ay sheegayaan in masuuliyiinta lagu xiray xarunta wasaarada gaashaandhiga Somalia.

Dowlada Somalia iyo maamulka Jubbaland ayaa ku loolamaya maamulka gobolka Gedo ka dib markii dowladu ku gacan seyrtay doorashadii Axmed Madoobe, waxaana dhamaan degmooyinka gobolka Gedo ay geysatay DF ciidamo iyaga ka amar qaata.