Mataano isku dhegan oo shaqo wanaagsan helay+SAWIRRO

1161

Wiilal mataano ah oo qaarka dambe isaga dhegan, waalidkoodna ay ka carareen, ayaa waxaa shaqo siisay shirkad koronto oo ka hawlgasha gobolka Punjab ee dalka Hindiya.

Shirkadda ayaa go’aansatay in wiilashan isku dhegan ay shaqo ka siiso qolka qalabka korontada, uuna midkiiba mushaar ahaan u qaato 133 dollar bishiiba.

“Waan ka mahadcelineynaa in dowladda gobolka Punjab ay aqoonsatay hibadeena,” ayay mataanaha oo 19 jir ah ku sheegeen war qoraal ah oo ay soo saareen.

Mataanaha isku dhegan oo lagu magacaabo Sohna iyo Mohna ayaa waxaa tuuray waalidkood iyagoo laba bilood jir ah, waxaana ay ku soo koreen xarun xannaanada carruurta ah oo ku taal magaalada Amritsar.

Venu Parsad oo ah agaasimaha shirkadda ayaa u sheegay wargeyska the Telegraph in Sohna iyo Mohna ay muujiyeen hawl-karnimo. Dhawaan ayay qaateen shahaadada Diploma ee culuunta korontada.