Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa markii ugu horaysay Afka furtay kana hadlay shaqa ka caydhintii kadib markii uu Jose Mourinho shaqada ka badalay.
5-tii sano ee Mauricio Pochettino ee Tottenham ayaa soo dhamaaday todobaadkii hore maalin salaasa ah xilli 24 saac kadib Jose Mourinho loo magacaabay badalkiisa.
Tababaraha reer Argentine oo aan fursad u helin in uu macasalaameeyo kadib markii si lama filaan ah shaqada looga caydhiyay ayaa haatan hadlay markii ugu horaysay
Waxana uu qoray”Waxa aan jeclaan lahaa in aan Joe Lewis & Daniel Levy uga mahad celiyo fursadii ay ii siiyeen in aan ka mid noqdo taariikhda Tottenham”.
“Waxa aan sidoo kale doonayaa in aan u mahad celiyo cid walba oo aan kula kulmay Tottenham, dhamaan shaqaalaha kooxda, xiddigaha aan la soo shaqeeyay 5-tii sano ee ugu dambaysay”.
“Ugu dambayn waxa aan doonayaa in aan si gaar ah u xuso taageerayaasha kooxda kuwaas oo koox weyn ka dhigay Tottenham lana garab taagan taageero weyn”.
“Waxa aan kooxda siiyay shaqadydii ugu fiicnayd si aan u wada gaadhno u jeedkeena waxana aan soo wada qaadanay taxadi guul leh”.
“Waxa aan kooxda u rajaynayaa mustaqbal fiican, waxa aan hubaa in aan mar kale kulmi doono”.
Sii Akhriso: 4 Tayo Ay Tahay In Laga Helo Xidhiidh Walba Oo Fiican