Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in uu Albaabka u furay in uu tababare u noqdo kooxda Arsenal xilli uu isku diyaarinayo in uu ku soo laabto shaqada tababaranimo kadib markii laga caydhiyay shaqada Tottenham.
Tababaraha reer Argentine ayaa ku laabtay dalkiisa si uu wakhti ugu soo qaato kadib markii 2 todobaad ka hor laga caydhiyay shaqada Tottenham waxana uu haatan isku diyaarinayaa in uu tartan cusub bilowdo.
Pochettino ayaa ka mid ah Liis tababarayaal ah oo u sharaxan in ay shaqada ka badalaan Unai Emery oo shaqada laga caydhiyay jimcihii.
Wargayska Manchester Evening News ayaa haatan sheegaya in uu Pochettino diyaar u yahay in uu noqdo tabaabraha cusub ee kooxda Arsenal inkasta oo uu xidhiidh fiican la leeyahay taageerayaasha Tottenham.
Isla wargayska ayaa sheegaya in uuna tababare Pochettino u ogolaan doonin in uu xidhiidhka uu la leeyahay ay soo dhex gasho shaqadiisa uu qabsan lahaa diyaarna u yahay in uu tababaro kooxda Arsenal.