Maxaa hor taagan Magacaabida Ra iisal wasaaraha Cusub

1515

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Waqti Xileydkiisa ka sii dhamanaayo ayaa laga sugayaa in uu magacaabo Ra iisal wasarahii Badali lahaa Kii Xilka laga qaaday

16 maalin ayaa laga joogaa inta laga Sugaayo Madaxweynaha in uu magacaabo Ra iiisal wasaraha madaama muda ka harsan Dowlada ay tahay mid yar.

Warar hoose ayaa sheegaya in uu Farmaajo Doonaayo in uu Waqtiga ku sii dheereysto si uu u Fashaliyo Shirka Dhuusamareeb madaama Shirkaa Agaasinkiisa laga sugaayo Ra iisal wasaaraha uu magacaabaayo
Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ayaa ah in uu muda korarsi sameysto taana waa tan keentay in uu si deg deg ah u soo xuli waayo Xilka Wasiirka Koowaad

Wal wal xoogan ayaa laga qabaa xaalada Soomaaliya iyo kala guurka madaama Dowlada Xilka ka dhamanaayo walina jirin qorsha Siyaasadeedka xiliga kala Guurka.