Maxaa hortaagan furitaanka shirka Muqdisho?

1422

Waxaa maanta markale dib u dhacay shir u dhexeeya madaxda dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka 2020-2021.

Shirka oo loo balansanaa inuu furmo khamiistii la soo dhaafay ayaa madaxtooyada Soomaaliya shaacisay in markale dib loo dhigay uuna furmi doono maalinimada Sabtida ah ee 12 September.

Sababaha ugu waaweyn ee uu shirku dib ugu dhacay ayaa ah inay jirto kala aragti duwnaaan u dhexaysa madaxda ka qaybgalaysa salkana ku haysa gundhigga qodobada looga arrinsan doono mudada uu socdo.

Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaan weli ka soo debcin aragtidiisii ahayd in shirka kahor go’aamo laga gaaro xaaladda gobolka Gedo iyo joogitaanka ciidanka dowladda Soomaaliya.

Siciid Denniga Puntland iyo Jubbaland waxaa kale oo ay soo jeedinayaan in shirku noqdo aragti furan oo aan la xiriirin qodobadii ka soo baxay Dhuusamareeb 3.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa dhankooda ku adkaysanaya in shirku bar bilow looga dhigo qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 aysanna aqbalayn wax ka hooseeya.

Madaxweynaha federalka iyo wakiilada beesha caalamka ayaa ku biiraya garabka saddexda madaxweyne, haseyeeshee si xalloo gaaro waxay ku qancinayaan in qodobada qaar dib loogu laabto.

Ururuada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed ayaa waxa ay walaac ka muujinayaan dibu dhacyo kale oo shirka ku yimaada iyagoona ugu baaqay madaxda inay xalliyaan khilaafka ka dhex jira.