Maxaa ka dhalan kara xiriirka xumaaday ee Soomaaliya iyo Kenya?

1766

Xalay ayay soo baxday in dowladda Kenya ay dowladda Soomaaliya u jartay xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay labada dal,kadib murano laxiriira dhinaca badda oo mudo farabadan soo jiitamayay.

Dad badan ayaa isweeydiinaya waxa ka dhalan kara xiriirka xumaaday ee labada dal maadaama Kenya ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada Farabadan,sidoo kalena ay Kenya Soomaaliya usoo iibgeyso Jaadka(qaadka) ka baxa dalkeeda.

In kastoo weli dowladda Federaalka jawaab ka bixin Warka ka soo baxay Kenya oo ay ugu yeertay safiirkeeda ka jooga Soomaaliya kuna amartay Safiirka Soomaaliya u jooga dalkaas in uu ka baxo ayaa hadana waxaa rrintaasi laga muujinayaa walaac xoogan.