Dowladda Turkiga ayaa si weyn uga macaashaysa heshiiska shidaal ee ay dhowaan la gashay Soomaaliya, iyadoo ka helaysa dhaqaale aad u badan, kaas oo gaaraya 90%, sida ku cad nuqul ka mid ah heshiiska oo haatan la helay.
Turkiga ayaa faa’iidada ugu weyn ka helaya heshiiskan, oo haatan loo sii gudbiyay Baarlamaanka dalkaasi si uu u meel mariyo, kadibna loo guda galo qodista shidaalka. Soomaaliya ayaa helaysa 5% faa’iido wadaag ah, halka ay 5% kale noqonayso khidmad.
Sababta ugu wayn ee faa’iidada ugu badan u heleyso xukuumadda Ankara ayaa waxaa lagu sheegay in iyadu ay bixineyso dhammaan kharashka soo saarista shidaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya haba yaraatee lama siin xaqul qalin iyo lacagihii hordhaca ahaa ee heshiiska, taasoo ka dhigan in ay Soomaaliya ogolaatay in Turkiga lacag la’aan ugu saxiixdo heshiiskan.
Xogaha kale ee la helayo ayaa sidoo kale muujinaya in awood dheeraad ah la siiyay Turkiga, isla markaana uu isagu yahay cidda keliya ee xaqa u leh in ay dhoofiso shidaalka laga soo saarayo Soomaaliya.
Waxaa kale oo meesha ku cad in haddii ay labada dhinac isku khilaafaan heshiiska, dacwadooda ay qaadeyso Dowladda Turkiga, gaar ahaan Maxkamadda magaalada Istanbul, halkaas oo lagu kala bixi doono haddii ay wax kasoo laabtaan heshiiska labada dal.
Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale yeelan doonto ciidamada ilaaliya goobaha shidaalka laga qodayo ama laga dhoofinayo ee Soomaaliya, sida ku cad heshiiska.
Illaa iyo hadda ma jiro faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxday Dowladda Soomaaliya oo ku aaddan faafinta nuqul ka mid ah heshiiskan ee haatan ka yimid dhinaca Turkiga.
Heshiiska labada dhinac ayaa dhacay sanadkii hore, waxaana si degdeg ah u ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay horgeysay Xukuumaddu.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa haatan socda sahminta shidaalka oo uu wado markabka weyn ee Oruç Reis, kaas oo uu horay Turkigu ugu soo diray xeebaha Soomaaliya. Waxaa hadda gabagabo ah baarista shidaalka, iyadoo kadib la galayo qodistiisa.
Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarinaysa inay ka faa’iidaysato khayraadka uu Alle ku mannaystay, waxayna heshiisyo maalgashi ah la soo gashay dowlado waaweyn.