Maxaabiis xoog lagala baxay Xabsiga dhexe ee Laascaanood

1397

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu hadda ka helayno magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Maanta Saddex Ruux si awood ah ugala baxeen Xabsiga dhexe ee Magaaladaas.

Shaqsiyaadka lagala baxay xabsiga waxaa la sheegay inay kamid yihiin malayshiyaad dad rayid ah ku diley weerar ka dhacay deegaan koonfur ka xiga Magaalada laas-caanood, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliland.

Qaar kamid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen la bixitaanka Saddexda ruux ee dilka geystay, sida ay sheegeen dada ku sugan Magaalada laas-Caanood.

Mlayshiyaadkii sida xoogga ah kula baxay dadkaani ayaa waxaa la sheegay inay 3da qof ee ay la bexeen ay la aadeen Magaalada Kala-beyr ee dalka Itoobiay xilli aan weli la aasin meydadka dadkii shacabka ahaa ee dhowaan ay dilka u geysteen.

Magaalada ayaa jawigeedu yahay mid kacsan xilligaan, waxaana la hadal hayaa maleeshiyaadka hubeysan oo sida awooda ah Saddex ruux oo loo heysto dilka ugala baxay Xabsiga Dhexe ee Magaalada laas-Caanood.