Maxaabiistii laga soodaayay Hargaysa oo Galkacyo soogaartay +SAWIRRO

1641

19 maxaabiis ku eedeysnaa ka tirsanaansha Burcad badeed ayaa maantay laga soo daayay xabsi ku yaala magaalada Hargaysa, ka dib Dadaal fara badan oo ay ku bixiyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Odoyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye, waxaana dhawaan cafis u fidiyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka wada hadalo badan oo dhex maray isaga iyo masuuliyiinta ku howlanaa sidii ay xoriyadooda u heli lahaayeen Muwaadiniintaan Soomaaliyeed.

Maxaabiistaan ayaa markay Gaalkacyo soo gaareen waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka Gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo.