Maxaad kala socotaa Safarka Deni ee Baydhabo

1727

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u safray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo ay wada hadalo ku yeelanayaan qaar kamid ah madaxda dawlad gobaleedyada ayna uga wada hadlayaan arrimaha siyaasadda ee gudaha Soomaaliya.

Xog dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa safarka Madaxweynaha Puntland uu ku tagay magaalada Baydhabo, waxaana ay wararku cadeynayaan in uu maalmihii u dambeeyey waday arrimo la xariira ole-ole siyaasadeed oo ku wajahan doorashada dhaw 2021-ka.

Mid kamid ah dalalka carbeed ee saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa waday bilihii u dambeeyy qorshaha la xariira in siyaasiinta taabacsan ay noqdaan kuwa raadiya ama soo xula xildhibaano ay ku kalsoon yihiin, si doorashada 2021-ka ugu guuleysto musharax ay wataan dalalkan, tanni ayay qeyb ka tahay safarka Deni ee Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Deni ayaa dhawaan u safri doona dalalka jaarka ah si uu ula kulmo xubno kasocda dawladdahan carbeed oo ay uga wada hadlaan qorshahan dhameystirkiisa, waxaana warar madax banaan ay sheegayaan in ay horey u jireen xubno katirsan dawlad gobaleedyada oo ula kulmay.

Imaaraatka Carabta oo ku cadaadinaya Madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu ka mid noqdo musharaxiinta M/weyne-nimada 2021-ka, si loo kala dhantaalo codadka beesha Daaroodka.